Sawiro:Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu Soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo

laftagareen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furamayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-guduud ee magaalada Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madasha Wadatashiga Qaranka ee Baydhabo ka furmaysa ayaa lagaga arrinsanayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.