sawiro:Madaxweynaha Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyey Baydhabo

Guudlaawe

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Baydhabo Caasimada Kmg ah ee Dowladda Koonfurgalneed.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowladda Koonfurgalbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Siihayaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Baydhabo uga qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir uga furmaya halkaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.