Taliyaha ciidanka booliska oo ciidan boolis ah tababar ugu soo xiray Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye

Boliis

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin ayaa kormeeray Akademiyada Boliiska ee Sareeye Guuto Kaahiye, kaasi oo lagu Tababarayo Ciidamo kamid Noqonayo Boliiiska Soomaaliyeed, Ciidamadii dhawaan laga Keenay Dalka Jabuuti ee Tababarka Soo dhameystay.

Taliyaha ayaa qeybahan kala duwan ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed kula Dardaarmay ilaalinta Xuxuuqda Muwaadinka Soomaaliyeed iyo Handitooda.

Taliyaha ayaa u sheegay ciidamada in ay ka fogaadaan Waxyaabaha Maanka dooriya maadama Booliska uu yahay ilaaliyaha Bulshada, loona baahanyahay in ay ka fogaadaan Waxayaabaha maanka dooriya, awaamiirna laga soo saarayo ciddii lagu qabto isagoo isticmaalaya Balwad nuucey doonto ha ahaatee.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.