Daawo:Golaha Deegaanka Laascaanood oo Soo bandhigay qasaarihii Muuse Biixi ka gaystay Laascaanood

muusebiixi

Duqa magaalada Laascaanood Cabdiraxiim Cali Ismaaciil. ayaa shaaciyey khasaaraha ciidanka Somaliland ay ka geysteen magaaladiisa, isagoo soo bandhigay dhimashada, dhaawac iyo Buruburka hantiyadeed ee soo gaaray bulshada iyo magaalada Laascaanood.

Duqa Magaalada laascaanood ayaa sheegay Danbiyadii ay Somaliland ka gashey Laascaanood  Waxaa Somaliland Laascaanood ku dishey

1:dhimasho 210 Qof,

2:Waxaa Dhaawacdey 680 Qof ,

3:Waxay Barakacisey 200,000 oo Qof

4:Waxay Bur burisey 715 oo guri ,

5:Waxay xidhey 16,000 oo ganacsi ,

6: Waxay la Jarey Biyihii magaalada

7:Waxay bur burisey Shirkadii Korontada, Waxayna dhibaato gaadhsiisey shaqaalihii korontada Qaar ay dishey , qaarna Afduubatay .

9:Waxay Ciidamada Somaliland ay bililiqaysteen guryihii iyo meheradihii ganacsi ay ka dagaalamayeen.

10:Waxay dileen shacabkii safarka ahaa ee magaalada ka baxsanaa iyagoo gaadiidka kala degey

Baaqa Golaha Deegaanka ee degmada Laascanaood :

1:In Laascaanood iyo nawaaxigeeda laga Saaro ciidamada Somaliand .

2:In shacabka hubaysan laga saaro magaalada si loo soo celiyo noloshii magaalada

3:In Gargaarkii Bani Aadanimo la soo gaadhsiiyo dadkii dhibaatada ay samaaysay .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.