Sawiro:Aaadan Madoobe oo hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore Cabdiqaasim Salaad Xasan

aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Qaahira ku booqday madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Madaxweyne Cabdiqaasim uga warbixiyay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan ciribtirka kooxda Khawaariijta, isagoo sheegay in guulo badan la gaaray degaano badan na laga qabsaday argagixisada, dadaallada ay dowladu ugu jirto nabadeynta iyo horumarinta dalka iyo arrimaha dib u heshiisiinta qaranka gaar ahaan dib u heshiisiintii KGS oo uu guddoomiyaha gar wadeen ka ahaa Isla markaana lagu guuleystay.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee JFS Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa boggaadiyay horumarka iyo is bedelka dalka uu gaaray isagoo Alle uga baryay inuu dalkeenna nabad ka dhigo, waxaana uu shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu baaqay in la muujiyo midnimo iyo wadajir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.