Sawiro:Laftagareen oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Boqor Salmaan

laftagareen

Madaxweynaha maamul Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Yuusuf Bakiit Raxma oo ah Madaxa Bariga Africa ee Hay’adda Boqor Salmaan oo Maanta Baydhabo gaaray.

Madaxweyne Laftagareen ayaa wafdiga kala hadlay arrimaha saamaynta abaaraha iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa Bulshada Saamaysay abaaraha ee ku nool guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa madaxweynaha Koonfur Galbeed ku wehelinayay wasiiro,agaasimaha madaxtooyada,gudoomiyaha degmada iyo mas’uuliyiin kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.