Sawiro:Wafti Ka Socda Xafiiska Ra’iisalwasaaraha oo kulan La qaatay Deni

deni

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Mudane Abshir Cumar Huruuse.

Kulanka soodhaweynta wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka madaxweynaha waxa ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Cilmi Cismaan Karaash.

Ujeedka Waftigaan ka socda Dowlada soomaaliya ayaa ah sidii ay ogolaasho uga heli lahaayeen Socdaal Ra’iisalwasaare Xamse ku tago Puntland.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.