Daawo:Ciidamada Xoogga Dalka oo degaano dhowr ah kala wareegay Argagixisada

dagaal

Ciidamo xoogga dalka Somaliyeed qeybta 27aad oo ay qeyb kayihin masโ€™uuliyiin katirsan Maamulka Magalada Beledweyne ayaa sacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyay degaano hoostaga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay kula wareegeen degaannada kala ah jaaburow, Ceelka baar Wardhabeel iyo Degaano kale oo kuyaalla Galbeedka Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku dhuumaleysan jireyn xubna katirsan argagixisada AL-Shabaab.

Guddoomiye kuxigeenka Maaliyada iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Abuukar Abdullaahi (Maadeey) iyo Taliye kuxigeenka Qeybta 27aad Militirga Soomaaliya oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Warbaahinta u sheegay in degaanadaas ay kula wareegeen si nabadgelyo ah, iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin.

Waxa ay sidoo kale  sheegeen sarakiisha in howlgalkan uu qeyb ka yahay howlgallada kale oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan degaano iyo degmooyin kuyaalla Gobolka Hiiraan, Isla markaana howlgalka ay sii wadi doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.