๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š Xamse ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง-๐ฐ๐š๐๐š๐ซ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š

Xamze

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo soo xiray Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirrada ku adkeeyey in ay si daacadnimo leh ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, horseedna u noqdaan isbeddel muuqda oo ka hana-qaada dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xafiiskiisu uu gacan buuxda ku siinayo dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda sida ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda qaran, isagoo kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladnimadooda, taas oo ku imaanaysa xaqiijinta amniga, bixinta adeegyada aas-aasiga ah iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

โ€œShacabka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad gaarsiisaan himiladooda, xaqiijisaanna kalsoonidooda, taas oo aan rajaynayo in aan ku guuleysanno. Xafiisku Raโ€™iisul Wasaaruhu waxa uu ka shaqeynayaa xiriirinta, toosinta iyo xoojinta Hayโ€™adaha Dowladda, wixii qabyo ah ka ah hayโ€™adaha dowladda waa inaan qabyo tirnaa, wixii wax u bilaabn yihiin waana inaan dhammeystirnaa oo habeen iyo maalin la shaqeeyaa.โ€

Maalintii Labaad ee Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa furay Raโ€™iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jamaac, Iyadoo khubaro, aqoonyahanno iyo lataliyeyaal sare ay Golaha u sharaxeen Hannaanka Hab-maamuuska Qaran, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, caddaaladda iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Labadii maalmood ay Golaha Xukuumaddu ku guda jireen Kulan-Wadareedkan waxa ay falanqeyeeyeen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha Wasiirrad, ilaalinta iyo ku dhaqanka habraacyada heshiisyada ay hayโ€™adaha dowladdu la galayaan hayโ€™ada kale, hagaajinta habka xog-wadaagidda hayโ€™adaha Dowladda dhexdooda iyo mideynta xogta lala wadaagayo dadweynaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.