Madaxwayne Qoorqoor oo Booqday Jaamacada Ummada Fareecada Galmudug

Qoorqoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ay wehliyaan wasiiro uu kamid yahay Wasiirka Waxbarashada Dowladda Galmudug iyo xildhibaano ayaa booqday Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed faraceeda Galmudug ee ku taalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha Jaamacadda ayaa ka codsaday dowladda Galmudug in laga kabo miisaaniyadda, sidoo kalena waxuu sheegay gudoomiyuhu in ay diyaar u yihiin in ay qaabilaan ardayda kale ee ku sugan guud ahaan deegaanada Galmudug, si ay wax ugu bartaan Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed maadaama ay tahay waxbarashadu mid bilaash ah oo aan lacag laga qaadeen ardayda.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa u ballan qaaday wasaaradda iyo maamulka Jaamacadda in dowladda Galmudug ay ka kabi doonto miisaaniyadda, waxana uu ku baaqay madaxweynaha in la keeno ardayda kale si ay u helaan waxbarasho tayo leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.