Madaxwayne Deni oo Kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya

Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan ciimamada dalka Itoobiya iyo Qunsulka Itoobiya ee Puntland Mudane Dagnachew Yitbarak.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayna qayb ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuquraadiyaynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DPL Sareeye Guuto Yaasiin Cumar Dheere, Taliye Xi-geenka ciidanka Daraawiishta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada DPL ayaa sidoo kale looga hadlay iskaashiga ganacsi ee labada dhinac iyo isu socodka dadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.