Sawiro:Madaxwayne Xasan oo Shaal iyo koofi ku Sagoontiyey Safiirka Kenya u fadhiyey Soomaliya

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay Safiirkii Dowladda Kenya u joogay dalkeenna Mudane Lucas K. Tumbo oo dhammeystay muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu uga howl-gelayey dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Danjire Lucas K. Tumbo uu ka howlgalayey gudaha dalka muddo dheer, taas oo ka dhigan in uu wax badan ka fahmay hiddaha iyo dhaqanka wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed oo ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo daris wanaag oo dhammaantood jihaaye u ah dowladnimada iyo diblumaasiyadda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Lucas K. Tumbo ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo garab istaagga ay u muujiyeen, waxa uuna tilmaanay dadaalka uu ku bixiyey xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.