Sawiro:Ciidamada Koonfurgalbeed oo howlgallo Qorsheysan ku dilay Horjogayaal Shabaab ah

dagaal

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka saladii subax Howlgal Qorsheysan ka fuliyey tuulada Neebsooy oo 40 KM dhanka Waqooyi Bari kaga beegan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Howlgalkan ayaa waxa lagu soo dilay, Horjooge Al-Shabaab uqaabilsanaa weerarada iyo hal maleeshiyo oo ilaalo u ahaa.

Horjoogaha la dilay ayaa lagu magacabi jirey Cali Nuur Iimaan (Tufow ) istafkiisana waxa lagu magacabi jirey Cawal Macalin Cabdulahi.

Teliyaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka konfur galbeed oo howlgalka hogaminayey ayaa sheegay inay howlgalada ay sii wadi doonaan ilaa inta deegaannada Koonfur Galbeed lagaga saarayo kooxda Argigixisada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.