Sawiro:Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Muqtaar Roobow iyo Wasiirrada magacaaban

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hoygiisa ku qaabbiley Wasiirrada magacaaban ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana kasoo kasoo jeeda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Guddoomiyaha ayaa xubnahan wasiirrada ugu hambalyeeyay mus’uuliyadda loo magacaabay, isagoo u rajeeyay inuu alle u fududeeyo howlaha adag ee sugaya.

Guddoomiyaha ayaa Wasiirrada kula dardaarmay in ay si daacadnimada ah oo ay wadaniyad ku dheehantahay ugu adeegaan dalka iyo dadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.