Deni oo Mamnuucay inay Mudaharaad ka dhacaan Boosaaso

deni

Taliska ciidamada amaanka Puntland ee gobolka Bari ayaa shacabka u sheegay in ay joojiyaan mudaharaadyada, wax isusoobax ahna aysan sameynin.

Ku simaha taliyaha qeybta, Korneyl Yuusuf Cabdi Cartan, ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan yeesheen shir looga hadlayo xoojinta amniga gobolka bari, ayna kasoo saareen amarro.

Shir jaraa’id oo uu u qabtay warbaahinta ayuu ku faahfaahiyay amarrada kasoo baxay kulankooda.

“Maadaama ay maalmahan jireen tashwiishyo ku saabsan mudaharaadyo iyo waxyaalo kale, waxaan isugu nimid inaan shirkaas ku xoojinno amniga, waxaana kasoo baxay go’aanno,” ayuu yidhi Korneyl Yuusuf.

Isagoo go’aannadaas sharraxaya ayuu intaas raaciyay: “Dhammaan dadweynaha ku nool magaalada Boosaaso waxaan u sheegeynaa, oo ka wacyi galineynaa in ay joojiyaan dadka wada mudaharaadka. Waxaa kaloo aannu u sheegeynaa inuusan jirin wax isu imaad ah, uusanna dhici karin. Waxaannu ka hor tageynaa saddexda bari ee soo socota, oo waxaan diyaar u nahay inaan xoojinno amniga gobolka Bari.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.