Dowladda Soomaaliya ayaa Hakisay Qabashada Araajida Baasaboorka

jinsiyada

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay in la hakiyay qabashada araajida Baasaboorka Soomaaliga ilaa amar dambe laga soo saarayo.

Qoraal lagu daabacay Bogga Facebook Hay’adda Socdaalka ayaa waxaa lagu sheegay in sababta loo hakiyay qabashada codsiyada Baasaboorka ay tahay mid la xiriira halista Cudurka COVID-19 oo dalka kusii hordheysa awgeed.

Hay’adda ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku wargelisay in la hakiyay qabashada codsiyada Baasaboorka laga bilaabo 27-ka bishaan Febraayo, isla markaana dib laga shaacin doono waqtiga dib loo fasaxayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.