Sawiro:Farmaajo oo Guddoomiyey kulan Hordhac u ah shirka Wadatashiga dowlada iyo Maamul goboleedyada

Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee caawa ay wada qaateen kulankan dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.