Sawiro:Axmed Madoobe oo soo gaaray magaalada Dhusamareeb

Axmedmadoobr

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Samareeb ku soo dhaweeyay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka galmudug, guddoomiyaha baarlamaanka galmudug, labada gole ee galmudug iyo dadweyne farabadan.

Axmed Madoobe ayaa ka qeyb galaya shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka furmaya magaalada Samareeb, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Qaranka.

Waxaa Maalintii shalay ahayd magaalada Samareeb gaaray madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.