Sawiro:Buugga Tacsida Jeneraal oo laga Furay Wasaaaradda Gaashaandhigga

galaal

Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha Ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebaha Jeneraal Cabdixamiid Dirir, Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jenaraal Cabaas Amiin, Guddoomiyaha Hay’adda Dhismaha jeneraal Bashiir Goobe , Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saxiixay Buugga Tacsida Marxuum Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka furan Wasaaradda Gaashaandhigga .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji iyo Saraakiisha la socotay ayaa u duceeyay marxuum Jeneraal Galaal iyo dhammaan intii ku shahiiday weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Hotel Afrik, sidoo kale waxay Tacsi tiiraanyo leh la wadaageen Dhammaan Ehelka, Qaraabo iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.