Madaxwaynaha Hirshabeele oo si diiran loogu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

guudlaawe

Madaxweyne Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Garoonka Ugaas Nuur Ee magaala madaxda Galmudug Kusoo dhaweeyay Wafdiga Madaxweynaha Hir-shabeelle Mudane Cali Xuseen Guudlaawe oo u yimid ka qeyb galka Shirka Madaxeedka Wadatashiga oo ka furmaya magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan “Lafta gareen” iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa horay usoo gaaray Magaalada dhuusamareeb, waxaana lafilayaa Madaxwaynayaasha Puntland, jubbaland iyo wafti ka socda Dowlada federaalka ah inay soo gaaraan Dhuusamareeb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.