Madaxwaynaha Koonfurgalbeed oo gaaray Magaalada Samareeb

Qoorqoor

Madaxweynaha Maamulk goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa d gaaray Magaalada Samarerbee Xarunta Galmudug.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulkiisa, waxaana loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada.

Madaxweyaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb galaya Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo Maanta ka furmaya Magaalada Samareeb.

Sidoo kale Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku wajahan Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada, kuwaasi oo ka qeyb galaya Shirka, waxaana socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo dhaweynayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.