Ra’iisalwasaare Rooble oo ka tacsiyeeyey dadkii ku waxyeeloobay Hotel Afrik

Rooble

Ra’iisalwasaare Rooble Waxuu u tacsiyeeyey eheladoodii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii argagixisadu ku qaadeen hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho oo uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo adeegay.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay General Galaal ku xusuusan doonaan kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa CXD.

Waxaan cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqso u bogsiiyo.

Waa in aan u midownaa dhammaanteen la dagaallanka arxanlaaweyaasha maalin kasta naga laynaya haldoorka ee noo diiddan nabadda iyo horumarka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.