Ra’iisalwasaare Rooble oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

rooble

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Galmudug ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Socdaalkan galabta Ra’iisul Wasaaraha kusoo gaaray Dhusamareeb ayaa ku saabsan inuu ka qeyb galo shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo la filayo inuu barri si rasmi ah u furmo.

Waxaa kaloo la filayaa inuu dhuusamareeb soo gaaro Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed cabdulaahi farmaajo iyo wafti uu hogaaminaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.