Sawiro:Dayniile oo laga Hirgalinayo Dugsi Sarre

wasiir

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinata Sare Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan Iimaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa maanta si wada jir ah u kormeeray Dugsi Sare oo laga hergilinayo Degmada Deyniile ee Gobalka Banaadir.

Mas’uuliyiinta ayaa kormeerka kaddib isla gartay halka ku haboon in laga dhiso dugsiga sare, taas oo ugu muhiimsaneyd kormeeekooda ay ku tageen Degmada Deyniile.

Dugsiga sare ee laga hergilinayo Deyniile ayaa ahmiyaad gooni u leh horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Waxbarashada iyo maalmulka Gobalka Banaadir ayaa ku howlan balaarinta dugsiyada Gobalka Banaadir si sare loogu qaado tayada Waxrashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.