Xukuumadda Oo Ansixisay Xubnaha Guddiga Farsamada ee Doorashooyinka

mahdi

Golaha wasiirrada ayaa lagu ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed ee ka baaraan degaya talooyinka la xiriiri hannaanka iyo habsami u socodka doorashootinka dalka.

Qodobka 5aad ee warmurtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Xubnaha guddiga oo golohu sida aqlabiyadda leh ku meel mariyay ayaa ka kooban 16 xuboon oo lix kamid ah ay ka imaanayaan dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedhada min laba uga imaanaya.

Xukuumadda ayaa fartay xubnaha guddiga in shaqada loo igmaday ay si degdeg ah u guda galaan si looga mira dhaliyo dadaallada doorashooyinka qaranka.

Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku ballansan shir kale oo ka dhaca Dhuusamareeb kaas oo lagu dhammeystirayo geedi socodka doorashooyinka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.