Daawo:Sii hayaha Xilka Ra’iisul wasaaraha oo kormeeray Bangiga dhexe

mahdi

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed, (Khadar) ayaa maanta kormeeray Bangiga dhexe ee dalka.

Sii hayaha ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu ku guda jiray kormeerka wuxuu maamulka Bangiga kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka qaranka ay u hayaan iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Kormeerkaan ayaa ahaa mid uu ugu kuur gelayay howlaha ka socda Bangiga dhexe iyo siddii loo dardar geli lahaa shaqooyinka loo hayo bulshada si uusan gaabis ugu imaan adeegyada kala duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.