Sawiro:Sii-hayaha Xilka Ra’isulasaaraha oo kormeeray Dekeda Muqdisho

mahdi

Sii-hayaha Ra’isulasaaraha dalka Mahadi Maxamed Guuleed Qadar oo ay wehliyaan wasiirka Maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ,wasiirka Dekedaha iyo gadiidka badda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa maanta kormeeray Dekeda magaalada Muqdisho si loo dar dargaliyo howlaha lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

Siihayaha Ra’isulwasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guudlee ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Dekeda sida ay usocoto shaqada waxaana uu bogaadiyay sida hufnaanta leh ay ushaqeeyaan howl-wadeenada .

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebok ku sheegay in Dekeda Muqdisho aytahay isha dhaqaalaha dalka.
“Manta waxa aan kormeer ku tagnay aniga iyo Sii-ha Ra’isulwasaaraha Dalka Mahdi M. Gulaid Dakadda Magaalada Muqdisho oo ah Isha dhaqaalaha iyo dakhliga dalka.

sidoo kale waa in si hufan shacabka loogu adeegaa, sidoo kale waxa aan u mahadcelinayaa Maamulka, shaqaalaha Dakadda iyo Wasiir Maryan Aweys oo waxbadan ka qabatay dib habeynta howl-maadmeedka Dekeda Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.