Shaqaalaha Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Gaarka ah oo la fasaxay

saadaq

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in la fasaxay dhammaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa ka shaqeeya hay’addaha gaarka loo leeyahay munaasabada Ciida Carafo oo ku aadan 31 maalinta Jimacada ee fooda nagu soo heyso.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wargelinaysaa dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda iyo Shaqaalaha Hay’adaha gaarka ah loo leeyahay in ay tahay fasaxa Ciidda Carafa oo ku aaddan maalinta Jimcaha 31 July . Maalmaha fasaxa waa Sabtida iyo Axadda. ayaa lagu daray qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda Soomaaliya.

sidoo kale masuuliyiinka wasaaradda ayaa ugu hambalyeeyay farxada munaasabada ciida ee fooda nagu soo heyso waxaana alle uga bariday in farxad ay ku ciidaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.