Madaxweynaha Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii Gobolka Nugaal

Farmaajo

Madaxtooyada JFS waxa ay ka tacsiyeynaysaa geerida xanuunka leh ee Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’ Jir) oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii bahalnimada ahaa ee caawa ka dhacay magaalada Garoowe.

Qoraal uu faafiya Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani uu geerida marxuumka uga tacsiyeeyay bulshada iyo Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay dhammaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas arxan darrada ahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.