Sawiro:Maamulka gobolka banaadir oo amray in la joojiyo isu imaatinada bulshada

Cumar

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Mudane  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa xalay shir guddoomiyay shirka Todobaadlaha ee maamulka Gobolka banaadir, kaasi oo ka dhacay xarunta Degmada Shangaani.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb-galeen Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, Guddoomiyaha guddiga qaran ee abaabulka iyo wacyigelinta ayaa waxaa looga hadlay caabuqa Covid-19 oo dhibaato xoogan ku haaya dunida.

Duqa Muqdisho ayaa inta uu shirka socday amray in la joojiyo isku imaatanka Bulshada si loogu fogaado wax weliba oo keeni kara Caabuqa Covid19 oo ah mid si fudud la isaga qaadi karo taabashada iyo Neefta, asigoo carabka ku adkeeyay Maqaayadaha iyo hoteelada ku yaala Liido oo Bulshada si aad ah isugu yimaadaan.

Guddoomiyaha gobolka banaadir Mudane  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa sidoo kale faray Bulshada in ay u hogaansamaan fariimaha wacyigelin ee wasaarada Caafimaadka iyo waaxda caafimaadka ee dowladda hoose ee Xamar. Iyadoona ay si wadajir ah barnaamijyada wacyigelin ay iska kaashan doonaan wasaaradda caafimaadka, Wasaaradda diinta iyo Awqaafta, guddiga qaran ee abaabulka iyo wacyigelinta iyo maamulka gobolka banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.