Sawiro:Dowlada Soomaaliya oo qalab caafimaad ku wareejisay Puntland

puntland

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Abdinasir Yuusuf Haaji ayaa maanta garoonka diyaaradaha Jeneraal.Mohamed Abshir kula wareegay qalab caafimaad oo looga hortagayo cudurka COVID-19.

Qalabkaan oo ka koobnaa 16 kartoon ayaa laga keenay magaalada Muqdisho kaddib markii Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho.

Qalabkaan oo Wasaaradda Caafimaadka Soomaliya ay ka heshay ganacsadaha u dhashay dalka China ee leh shirkadda Alibaba ayaa ah mid loo isticmaalayo ka hortagga iyo xakameynta cudurka Coronavirus.

Arintani waxa ay qayb ka tahay dadaallada lagu doonayo in laga hortago cudurka Coronavirus oo dalkeena laga helay ilaa iyo saddex kiis.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.