Sawiro:Xaaf oo lagu qanciyey in dhuusamareeb loo soo Jiido

xaaf

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug halkaasi oo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ku ahaa Madaxwaynaha Galmudug Qoorqoor.

Magaalada Gaalkacyo waxaa shalay Gaaray Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole oo ku hayb ah Xaaf kuwaas oo ay kamid yihiin Sanetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, xildhibaan Ubax tahliil, Xildhibaan Cabdikariin ķhaliif dhalac, Taliyihii Hore Ciidamada xooga Dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo waxgarad ka soo jeeda Galmudug.

Ujeedka Xildhibaanadaan ay u tageen Gaalkacyo ayaa ah sidii ay ugu qancin lahaayeen Xaaf inuu u raaco Dhuusamareeb si loo soo afjaro qilaafkii ka dhashay Doorashada Madaxda Galmudug islamarkaana lagu taageero madaxweynaha cusub Galmudug Qoor Qoor.

Axmed Ducaale geele Xaaf ayaa qeyb ka noqonaya dadaalo la doonayo in meesha looga saaro khilaafka ka dhex jira siyaasiyiinta Galmudug, islamarkaana lagu taageero madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor

xaaf


qaybdiid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.