Sawiro:Shiinaha oo qalab lagu baaro CoronaVirus Soomaaliya Soo Gaarsiiyey

Diyaarad

Diyaarad siday qalab caafimaad iyo dawooyin loogu tala-galay ka hor-tagga iyo in lagula tacaalo cudurka Covid-19 ayaa xalay kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qalabkan ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadaha Alibaba, sidoo kalena ah ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha oo cudurkan saf-mareenka ku noqday dunida uu kolkii hore ka dillaacay.

Diyaaradaan ayaa ka timid dalka Itoobiya, waxaana garoonka ku sugayey Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Maxamed Saciid Cabdullaahi, iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camey, kuwaas oo safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian, kala wareegay deeqdaas.

Gargaarka ayaa waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro cudurka Coronavirus iyo qalabka ay isticmaalaan dhakhaatiirta ka howlgala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus ee dunida ku baahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.