Wasaaradda Amniga oo Waxba kama Jiraan ku tilmaantay weerarka Shiiq Shariif

islow

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo ka dhan ahaa laamaha ammaanka laguna sheegay in la qorsheeyay weerar la doonayay in lagu qaado Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in madaxdii hore ee dalka ay yihiin kuwa dalka kasoo samata bixiyay marxalad adag,ayna waajib qaran tahay in amnigooda lasugo haddane ay ilaaliyaan ciidan ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo caddeyneysa in aysan jirin wararka  lagu faafiyay baraha bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.