Sawiro:Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay sugida amniga doorashooyinka

boliis

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar” ayaa xafiiskiisa Magaalada Muqdisho waxaa uu ku qaabilay Taliyaha iyo saraakiisha Boliiska AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada dhinac ayaa waxa ay uga wada hadlen xoojinta wadashaqeynta labada dhinac iyo sugidda amniga doorashada Qaranka ee la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo sannadka 2020-2021.

Taliyaha Booliska AMISOMSareeye Guuto Anand Pillay ayaa ciidamada Boliiska Soomaaliya ku amaanay sida ay ugu diyaarsanyihiin waajibaadkooda, waxa uuna balan qaaday in qeybta kaga aaddan sugida amniga doorashooyinka ay ka qaadan doonaan.

Taliyaha Ciidamada Boliiska soomaaliyeed Janaraal cabdi xasan Maxamed ayaa saraakiisha Boliiska AMISOM Waxa uu uga mahadceliyay sida wanaagsan ay ula sheqeeyaan Booliska soomaaliya isaga oo ugu baaqay inay dardar geliyaan wadashaqeyntasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.