Sawiro:Midowga Yurub ayaa Gadiid ugu Deeq Maamulka Koonfurgalbeed

baydhabo

Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Abdikadir Sharif Sheekhuna Maye ayaa Maanta Baydhabo kusoo dhaweyay Wafdiga uu hogaaminaayey Safiirka midowga Yurub ee Somaliya Niclos Barlaanga ayaa Waxaa ka mid ahaa Diblumaasiyiin iyo Saraakiil ciidan oo katirsan ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Waxaana xaruunta Aqalka madaxtooyada ay kulan kula qaateen Gudoomiyaha Baarlamanka , Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed.

Gaadiid Ciidan oo looga talagaley in ay ku howlgalaan Ciidamada Booliska ayaa waxaa safiirka uu kuwereejiyey Gudoomiyaha Baarlamanka iyadoona Siwadajirr ah u kormeey Xaruunta ADC oo laga dhigeyo Xaruun lagu tababaro Ciidamada.

Waxaa sidookale ay kormeereem Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo oo balaarin iyo Dayactir Lagu Sameeyey islamarkaasina Lagu soo kordhiyey Dhismiyaal Cusub.

Niclos Barlaanga safiirka midowga yurub ee Soomaaliya isaga sheegay in ay siiwadi doonaan taagyeerada dhan walba ah oo ay siinayaan Ciidamada Booliska KGS.

Gudoomiyaha Baarlamanka KG Mudane C/qaadi shariif sheekuna maye ayaa dhankiisa umahadnaqey Safiirka midowga yurub sida ay utayeynayaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed Wuxuna bogaadiyey sida mar walba Midowga Yurub ugarabtaaganyihiin Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

baydhabo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.