Sawiro:Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Degmada Diinsoor

Laftagareen

Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur Galbeed mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen), ayaa goordhaw gaaray degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Diinsoor iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas ayaa Garoonka Diyaaradaha degmada Diinsoor si weyn ugu soo dhaweeyey Wafdiga Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen).

U jeedada Madaxweynaha Koonfur Galbeed u tegay degmada Diinsoor ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada koonfur Galbeed waxaa ay ku sheegeen in uu ka qeyb geli doono Xaflad lagu Caleema saarayo Maamulka Cusub ee degmada Diinsoor oo ay dhawaan soo doorteen golaha deegaanka degmadaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.