Sawiro:Bangiga Afrika oo Soomaliya ka Cafiyey 122 Milyan

bayle

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga horumarinta Afrika Khaled Sherif oo kala saxiixday Heshiisika cafinta daymaha Bangigu ku leeyahay Soomaaliya

Heshiiskaan oo ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast waxaa uu daba joogaaa go’aankii guddiga sare ee maamulka Bangigu ay gaareen 26kii bishii la soo dhaafay ee February waxaa Soomaaliya looga cafinayaa 122.55 milyan oo doolar.

Wasiirka Maaliyadda ayaa saxiixa kadib yiri “Waa maalin kale oo taariikhi ah, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ku faani karaan, waxaan saxiixnay heshiiska Deyn Cafinta qeybta Bangiga Horumarinta Afrika, AFDB.”

“Tilaabo kasta oo guul ah oo aan gaarnay waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha, R/Wasaaraha, ummadda Soomaaliyeed iyo saaxibada Caalamka ee na garab istaagay”

Dadaalka Dowladda Soomaaliya waa uu sii soconaya inta isku filnaasho aan ka gaareyno” sidaasi waxaa yirri wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in heshiiskani ay ku taageerayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhiiragalinta dib u habeynta hey’adaha maaliyadda oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya wado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.