Akhriso:Warbixin ka hadlaysa Baladxaawo

baladxaawo

Baledxaawo waa magaalo xuduudeed kutaal saddex xagal togan oo xiriiriya saddex dal oo jaar ah, waxay dhacdaa waqooyi galbeed Gedo.

Ciid ahaan waxay kamid tahay magaaloyinka dhulka carrosanka layiraahdo dhaca, Ciid casaan ah oo midabkeedu dahabi jariir xigeen ah yahay.

Amniga magaalada waxaa si buuxda u maamulayo ciidamada dowladda soomaaliya oo bil kahor amnigeeda lawareegay, cabsi, walwal iyo walbahaar la’aan ayaa laseexdaa ardaaga aqaladda.

Masuuliyiin xirfadlayaal amni iyo maamul ah ayey dowladda baladkan iyo guud ahaan gobolka u wakiilatay, kuwaas oo maamuli doona deeganadan tan iyo inta maamul loo dhanyahay uu jubbaland ka hirgalayo.

Dhaqaalaha magaalada oo ah mid aan qormo keliya looga faalloon karin ayaa hadane tilmaan ahaan ay tahay arrin togan oo cidkasta oo udhabbagelidda baladkan arimihiisa mar ay timaado noqoneysa meelaha ugu horeeya ee wax laga eegi karo.

Magaaladan oo maraaxil maamul oo kala Duwan soo martay ayaa hadda ay bulshadeedu dareemayaan saxan-saxada cuddoon iyo keynaanka dowladnimada oo u muuqda mid kusii faafaaya dhammaan xadbeenaadka aan lawadaagno dalalka jaarka ah oo waligood ka macaashi jiray kujiritaanka dhibeed ee bulshooyinkeenna xuduudaha ku nool, balse fariimaha muuqda ee ay direyso dowladeenna dhexe ayaa u muuqda mid iyaga qudhooda ku noqday waa shisheeyehee fallaar laabta lagaga gamay, bulshadii dhib lanoolka aheydne unoqday naxariis uu guulle ammin ku haboon la doontay.

Waxaan Dhawaan idiin la wadaagi doonaa kobaca dhaqan-dhaqaale ee bulshada baledxaawo oo rucla orad ugu jira ka gungaaridda hibada ganacsi ee eebbe kusiiga ah dhex maquuranaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.