Dhageyso:Galmudug oo Heshiis la gashay Xaaf

xaaf

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo la hadlay VOA ayaa ka hadlay dagaalkii Khamiistii iyo Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Ciid ayaa sheegay in dagaalka ka dib xaalka magaaladu uu caadi ku soo laabtay islamarkaana ay heshiis la galeen madaxda kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca oo ahayd kooxdii dagaalka la gashay ciidamada dowladda.

Waxa uu dhanka kale sheegay iney wadahadal kula jiraan dhinacyada kale ee ka soo horjeeda maamulka cusub ee Galmudug ee dhowaan ay doorteen baarlamaanka Galmudug.

Haddaba, waxa uu yahay heshiiska ay gaareen Galmudug iyo Alu Sunna iyo guud ahaan xaaladda Galmudug dagaalka ka dib ayaa waxaa ay Sahra Cabdi Axmed ka wareysatay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.