Sawiro:Turkiga oo daawo iyo Dhaqaatiir usoo diray Soomaaliya

Dowladda Turkiga oo ka jawaabaysa dhibaatadii ka dhalaya qarixii argagixiso ee shalay ayaa si deg deg ah ugu soo gurmatay dadkii Soomaaliyeed oo dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxaasi bahalnimo.

Diyaarada sidda dhaqaatiir iyo daawo oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen ayaa aroortii hore ee saaka ka soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wafdigaasi dhaqaatiirta ah,iyagoona guddoomay daawooyinkii dowladda Turkigu ay ugu talagashey dadkaasi dhaawacyada qaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda walaalaha aanu nahay ee Turkiga sida walaaltinimada leh oo ay ugu taagan tahay ka jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah xiliyada ay musiibooyinku ay geystaan kooxaha argagixisada ee Alshabaab.

Qarixii argagixisanimo ee shalay ka dhacay Ex-kantrool Afgooye ayaa sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii dadka dhaawacyada culus qaba loogu qaadi lahaa caafimaad dibadda ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.