Sawiro:Khayre oo Booqday xarunta gurmadka deg-degga ah iyo Isbitaalka Erdoğan 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa booqday xarunta gurmadka deg-degga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo Dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii Argagaxiso ee Muqdisho ka dhacay Shalay.

Khayre ayaa la kulmay Guddiga gurmadka iyo Dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, wuxuuna ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan, isagoo kula dardaarmay inay dedaalkooda oo dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo.

Xarunta gurmadka deg-degga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dedaallada gurmadka , iyadoo dhaawacyada ay xaaladdoodu aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel Dalka dibeddiisa ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.