Sawiro:Guddoomiyaha golaha shacabka oo booqday Dhaawacyo ku jira Isbitaalka Erdugan

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa caawa booqday dhaawacyada dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Ex-controll Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo ay wehliyeen xubno katirsan xillibaanadda Baarlamaanka, ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ku jira Ispitaalka Ordugan ee Muqdisho.

Maamulka Ispitaalka Erdugan ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay dhaawacyada la soo gaarsiiyay cispitaalka, tiradda dhimashada iyo inta dhaawaca ah, waxaana maamulka Ispitaalku ay guddoomiyaha u sheegeen, in Berri subax ay diyaarad gaar ah imaan doonto lana qaadi doono dhaawacyada culus ee aan Isbitaalka wax looga qaban karin.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa booqashada iyo warbixinta kadib, u mahad celiyay maamulka iyo howl-wadeenada caafimaadka ee Isbitaalka Erdugan, sida ay isugu howleen caafimaad qabka dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, waxa uuna dhanka kale mas’uuliyiinta Turkiga ah kaga tacsiyadeeyay labo kamid ah muwaadininta u dhalatay dalka Turkiga oo qaraxii saaka ku dhintay.

tay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.