Sawiro:Wasiiro booqday Dhaawacyadii Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, oo ay wehliyeen Wasiiradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Qorsheynta, Warfaafinta, Gargaarka, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo masuuliyiin kale, ayaa waxa ay booqdeen dadka ku dhaawacmay weerarka argagaxiso, ee naftii halige uu ku beegsaday saaka Subaxnimadii hore Isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Wasiiradda ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadka dhibku ka soo gaaray weerarkani bahalnimada ah, waxa ayna u rajeeyeen kuwa ku dhaawacmay bogsasho deg deg ah.

Intii ay masuuliyiintani ku guda-jireen booqashada Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan, ayeey la kulmeen Safiirka Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz iyo Agaasimaha Isbitaalka, Dr. Aşır Eraslan, waxa ayna uga tacsiyeeyeen Dowladda iyo Shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga geerida laba injineer Turki ah oo ku naf-wayday weerarkani dhiigga badan ku daatay.

Wasiiraddu dhanka kale waxa ay la kulmeen, guddi xukuumadeedka loo xilsaarray in ay u gurmadaan dadka qaraxaasi argagaxiso ku waxyeelloobay.

o.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.