Dad shacaba oo Lagu dilay Magaalada Muqdisho

Waxaa saacadihii la soo dhaafay dilal qorsheysan ay siyaabo kala duwan uga dhaceen gudaha magaalada Muqdisho, Dilka koobaad ayaa ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, iyadoona loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray Xuseen Geedi Jimcaal.

Kooxo ku hubeysanaa Bastoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay ku toogteen ilinka hore ee gurigiisa oo ku yaalla degmadaasi, Dhinaca kale askari ka tirsan Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Minashiibiya ayaa duhurnimadii maanta qof shacab ahaa ku dilay degmada Xamarweyne ee G/ Banaadir.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa darwal Mooto Bajaajle ah, waxaana dilkiisu uu ka dhacay nawaaxiga Suuqa Bacadlaha ee degmada Xamaeweyne, Askarigii ka dambeeyay dilkaasi ayaa lagu soo warramayaa in Ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen Welina ma jiro war hadal oo ka soo baxay maamulka degmadaasi oo la xariira dilka Marxuumkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.