TOP News: Soomaaliya oo sii hagaajisay Xiriirka Dibadda ee ay la leedahay dalalka caalamka.

Dowladda Soomaaliya oo Xiriirka Dibadda wanaajintiisa Xoogga saareysay ayaa talaabooyin muquda oo dhianca hormarka ah ka soo hoyisay Dalalka Soomaaliya Xiriirka la leh kuwaas oo xiriiir wanaaga ay dowladda Soomaaliya kula dhaqmeyso ay ku riixeen in iyagune ay dhinacooda xiriirka ka wanaajiyaan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dalkeena ayaa xoogga saartey sidii ay u xoojin laheyd iskaashiga xiriirka dibadda ee ay la leedahay Dowladaha Caalamka ee Soomaaliya daneynaya, kuwaas oo qaab waafaqsan Wanaaga Diblomaasiyadda lagula dhaqmo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xoogga saaraya sidii xiriirka dibadda uu u hagaagsanaan lahaa si meesha ay uga baxdo aaminaad la’aantii lagula dhaqmi jiray dowladihii ka horeeyey tiisa ee Dalka Soomaray.

Sidoo kale wasaaradda arimaha dibadda ayaa hawl galisay Diblomaasiyiin muddo badan usoo shaqeynayay wasaaradda arimaha dibadda kuwaas oo loo xilsaaray in ay wax ka dajiyaan siyaasadda dowladda ee arimaha dibadda iyo qaabkii xiriirka dalalka caalamka loo hagaajin lahaa.

Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu amaanay sida ay uga go’antahay xasilooni soo celinta soomaaliya.

Guul Soomaaliya

Nabad iyo Nolol

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.