(Sawirro)Puntland oo Maanta 2,500 oo askari ku wareejisay Dowlada Soomaaliya.

Munaasabad maanta ka dhacay magaalada garoowe ayaa waxaa maamulka puntland uu maanta  si rasmi ah dowladda federalka Soomaaliya ugu wareejisay masuuliyadda 2,500 askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu yahay xerada General Maxamed Dirir (Ex- 54-aad), ee magaalada Garowe.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdi Xakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa hadalkan ku dhawaaqay kadib markiu uu ka qeyb galay munaasabadan oo lagu qabtay xarunta xeradaas.
Goobta ay ka dhacaysay munaasabada ayaa Waxaa ku sugnaa wasiir u dowlaha gaashaandhiga dowladda federalka, taliyaha ciidamada difaaca Puntland, wasiirka amniga Puntland, saraakiil ka socota ciidanka milatariga Soomaaliya iyo guddiga difaaca ee barlamaanka.
Sida la Shgeegay Ciidankaan ayaa si r asmi ah uga mid noqon Doona Ciidanka Xoogga Dalka Qaybtiisa 54aad, iyadoona tilaabadaan ay qeyb ka tahay Qorshaha Iskudhafka Ciidamada Soomaaliya.
Masuuliyiinta ka tirsan Guddiga difaaca barlamaanka Soomaaliya oo ka hadly munaasabada ayaa soo dhoweeyay tilaabadaan waxayna ku tilmaameen Talaabo Wanaagsan oo lagu soo celinaayo Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.
Maamulka Puntland ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay oo Dowlada federaalka Soomaaliya ku wareejiyo Ciidamo gaaraya 2,500 oo askari,kuwaasi oo qorshuhu yahay in la isku dhafo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,kadib markii Dhowr jeer ay kulamo wada qaateen Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maamul gobaleeyada,iyagoona dhamaantood ka hadlayay sidii loo dhisi lahaa ciidamo mideysan oo la isku dhafay oo laga kala keenay guud ahaan degaanada dowlada gobaleedyada.
Halkan ka daawo Sawirada:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.