Rasaas iyo taleefoono Shabaab ay ugu tageen degaanka baladul-amiin oo gacanta lagu dhigay(Sawirro).

Sida ay sheegayaan wararka ciidamo ka tirsan militiriga soomaaliya ayaa maanta baaritaano ay ka sameeyeen  degaanka baladul-amiin  waxaa ay gacanta ku dhigeen Sadax kartoon iyo Sanduuq ay ku jiraan Qaraxyo iyo rasaas oo yaalay guri ku yaala degaan Baladul Amiin ee gobalka shabeelaha hoose,kadib markii shalay ciidamada dowlada ay Al-shabaab kala wareegeen degaankaasi.
Waxaana la Sheegay in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay  Qaraxyada iyo hubka ay ku aaseen guri ku yaala degaanka Baladul Amiin ee Gobalka Shabeelaha hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay idaacadda ku hadasha afka ciidamada xooga ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada xooga ay baaritaano ka sameeyeen degaanka baladul-amiin,ay gacanta ku dhigeen kartoono iyo  sanduuqyo ay  ku jireen waxyaabaha qaraxa oo Al-Shabaab ay ku xareeyeen.
Sidoo kale Saraaakiisha ayaa sheegay inay arkeen taleefoono badan oo Al-Shabaab ay u isticmaalayeen weerarada qaraxyada ah,ee lagu qaado Xarumaha dowlada Soomaaliya.
Shalay ayay aheyd markii wasiirka wasaarada warfaafinta ee xukuumada Soomaaliya eng Cabdi raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu sheegay in Ciidamada Xooga dalka ay Al-Shabaab ka Saareen Deegaanka baladul-amiin,islamarkaana ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowlada.
Hayeeshee Degaano ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose ayaa haatan waxaa ka soconaya Howlgalo ay wadaan ciidamada xooga dalka,kaasi oo ku aadan sidii dagaalamayaasha Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ku sugan yihiin,maadaama dhibaato badan ay ku hayaan shacabka ku nool deegaanadaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.