Qarax Qasaare Geystay oo ka Dhacay Magaalada Boosaaso iyo Rabshado Halkaas kasocda kadib markii lagu soo rogay Shacabka Puntland Canshuur labo jibaar ah

qarax

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa bambo gacmeed goordhaweyd lagu tuuray ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo maraayey mid kamid ah wadooyinka Magaalada  Boosaaso, Bambo Gacmeedkaa ayaa sababay qasaare sida wararka nagu soo gaarayaan waxaana ku dhawaacmay dad ka badan 10 Qof.

Dadkan dhaawacmay ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidanka puntland iyo dad shacab ah,waxaana la sheegayaa in dadkaasi ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen qaar kamida ciidamada Puntland.

Maamulka Madaxwayne Gaas ayaa ciidamo dheeraad ah oo katirsan kuwa amaanka maamulka Puntland ku soo dal dalay Magaalada Boosaaso si loo caburiyo shacabka Puntland oo kasoo horjeeda shirka Imaaradka ee lagu wareejiyey dekada Boosaaso.

Shacabka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay wareejinta dekada Boosaaso waxaana wali xiray ganacsigii magaalda Boosaaso walina waxa bada ku xayiran doonyo sida qalab kala duwan, shirka Imaaradka ee lagu wareejiyey dekada Boosaaso ee P&O ayaa canshuur dheeraad ah dulsaartay ganacsiga kasoo dagaya dekada Boosaaso si ay u hesho lacagta galinayso dekada Boosaas iyo kuwa ay laaluushka u bixiisay oo dhan Malaayiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.