Dhagesyo:Wasaarada Amniga ayaa Amaro dul dhigtay Madaxda,warbaahinta iyo Hoteelada

Wasaaradda Amniga gudaha  xukuumadda Soomaaliya ayaa ka warbixisaya amarro cusub oo ku aadan sidii loo xoojin lahaa sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo ka hortagga falalka lidiga ku ah nabadgeliyada guud.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliyta ayaa sheegay in aan Muqdisho lagu dhexwadan karin hub sharcidarro ah isagoo hoosta ka xariiqay in dadka mas’uuliyiinta ah aysan qaadan karin afar qori ka badan.

Wasiirka ayaaa sheegay Laga bilaabo 30ka bisha November lagama aqbali doono mas’uuliyiinta in lagu ilaaliyo waxkabadan afar qori,”ayuu yiri Mudane Ducaale, sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in warbaahinta aan laga ogolaan doonin inay faafiyaan warar aan sal iyo raad lahayn oo quseeya amniga waxaa soo batay wararka aan runta ahayn iyo aflagaadada loo geysanayo mas’uuliyiinta warbaahintii faafisa war aan sal lahayn talaaabo ayaan ka qaadi doonaa ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.